Beesha Reer Makame oo ka mid ah beelaha dega Putland ayaa si buuxda u taageeray Xisbiga Putland Peoples Party (PPP)
Shir wadatashi ah oo ay yeesheen dhamaan isimada, siyaasiyiinta, culumada, aqoonyahanada, haweenka, iyo dhalinyarada beesh Reer Makame, ayaa waxuu ka dhacay meelo kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ah, shirarkaas oo looga tashanayay halka ay beesha siyaasad ahaan taageerayso, maadaama xili kala guur ah uu ku soo wajahan yahay guud ahaan Somaliya gaar ahaan Putland oo ay beesha Reer Makame degto, waxayna ka soo saareen bayaan taageero iyo in ay la midoobeen xisbiga cusub Puntland Peoples Party (PPP).
Waxaan aad iyo aad ugu faraxnay markii aan aragnay iftiinka ka soo muuqday wadanka Norwey, oo ahaa in ay beelo fara badan oo Soomaliyeed ee dega mandaqada Putland ay ku midoobeen xisbi qudha oo iyaga matala, una wada dhaqmaan sidii in ay hal beel oo qudha yihiin, oo waxii beel ka mid ah beelahaa ku midoobay xisbigaa ku dhaca ay la mid tahay in dhamaan beelahaa dhib ku dhcay oo ay dhinac walba iska kaashan doonaan.
Ka dib wadatashi dheer waxaan si muran la,aan ah oo hal cod ah isugu raacnay in aan ka mid noqono beelahaa midoobay ee walaalaha ah, xubina ka noqono xisbiga cusub, kaasoo aan rajo xoog leh ka qabno in uu isbedel wayn ku samayn karo siyaasada qal qalka gashay ee Putland.
Waxaan bayaankan ku cadaynaynaa in aan ku qanacnay habka iyo hanaaanka dhismaha xisbiga wax xil oo gaar ah oo aan u xilanayno ma jirto keliya waxaan u baahan nahay cadaalad iyo sinaan in wax walba lagu saleeyo, waxaana aaminsan nahay in kursiga aan dadku deeqine ay cadaaladu dadku deeqdo, taasoo gabaabsi ku ah guud ahaan dalka Soomaaliya, sababna u ah dagaalada sokeeye ee joogsan waayay.
Markii aan heshiis ku gaarnay ku biirida xisbiga ayaa waxaa xiriir la samaynay masuuliyiin ka tirsan xisbiga, oo runtii si qiima badan oo ay kalsooni iyo ehelnimo ku dheehan tahay noo qaabilay, si diirana noogu soo dhoweeyay xubinimada xisbiga, noona sheegay in aan xisbiga waa lagaaga soo horeeyay aan lagaaga xigin oo ay u furan tahay dhamaan beelaha dega Putland, ee aminsan sinaan iyo nabad ku wada noolaashada.
Waxaa si gaar ah u codsanaynaa in wax walba lagu saleeyo wadatashi, isku kalsoonaan, degenaan, la iskana ilaaliyo wax walba oo keeni kara burburka putland iyo isnaceeb fara badan oo ka dhex abuurma beelahaa walaalaha ah ee mandaqada wada dega.
Wabilaahi Tawfiiq.
Bayaaanka waxaaa soo saaray oo ku saxiixan:
Prf Cabdi rashiid Mohamud Ise
Eng. Bashir Isa Salah
Dr Yusuf Ismail Isa
Dr Ahmed Xasan maxamed
Eng Yasin mohamud Ise
Eng Mukhtar Ahmed ISE
Ganacsade, Mukhatar Farax Xasan
Ganacsade, Sicidiid Ducaale jibriil
Caaqil Maxame Xasan Maxamed,
Caqil Cismax yasin Xasan
Eng sacid siciid Xasan
Siyaasi mursal ducaale Jibril
Siyaasi caadil sicid xasan
gacansade Abshir Ismail Isa
Gacansade, Ismail Khalif Mohamed
SAXAFI, Mohamed Farax xasan
Sheekh Mohamed Khalif Mohamed
Caqil Cabdi Xirsi siiqe
maasha alaah
Wow Masha Allah
maanshaalh waxaad u dhaqaaq deen wax wanaagsan iyo cadaalad waayadan danbe dhulka puntland ku siiyaraanaysay inaad wixii karaan kiina ah dhiniciina kaqabtaan waaxn leeyhy wey fiicantahy in waxbadan umaduhu kawada tashadaan
waxan leeyahay waxalayiri bahal higloo waxna isma tarto waxna ismayeeshoo
hortaa maxaad tihiin awood inteelaegbaad wadan ka kuleedihin
xisbii baanu kubiiray markaad ledihiin macodaynkartaan
mamidaysantihiin matihiin daad isku mawqif ah
waxaan layaabay reermakame waxay kuleyihiin mar waxanu nahay carab marnaa waxay kuleyihiin waxanu nahay majeertenka yaar yar qarwaxay kuleeyihi waxanu nahay
cismaan maxamuud bahgareen qaarkalee carab salax
markaa horta meel isku raaca tv yadakahadla mowqifkiina mideyaa
markaas baan idikuso dhowaynaynaa xisbigan lakiin hadii kalee
qaarbaa yaay wax noo gusheekayn
waa wax lagu arxo maasha allaah